1.Jasiiradda masaska ee dalka Brazil (Ilha da Queimada Grande)
Jasiiraddan ayaa waxaa ku nool masaska ugu badan adduunka inta la ogyahay, waxaana lagu qiyaasay in mitir walba oo dhulka jasiiradaas uu jiifo mas, waxaana la sheegay inay yihiin masas marka uu qofka arko argagax gelin kara, waxyeeleyn karana dadka bani’aadamka. Masaskaas ku nool jasiiradda Ilha waxaa lagu tilmaamay inay yihiin masaska adduunka kuwooda ugu khatarta badan, waxaana kamid ah maska nooca casaanka ah ee candhuufta tuura.
Dowladda Brazil ayaa xirtay jasiiradaas, kana mamnuucday in dadka ay booqdaan. Inta la ogyahay dowladda dalkaas ayaa dadka cilmi baarista sameeya oo keliya u oggolaatay inay booqdaan jasiiradaas, kuwaas oo iyaguna la dul dhigay shuruudo dhowr ah oo ay kamid tahay inay la socdaan dhakhaatiir daweyn kara haddii ay wax noqdaan.
Khubara arrimaha deegaanka oo ka socday jamaacadaha Sydney, Australia, iyo Selma Maria oo BBC-da, qeybta Brazil la hadlay waxay sheegeen in jasiiraddan ay sameysantay 11 kun oo sano kahor, taasina ay keentay in duur-joog u badan masas ay ku tarmaan jasiiradda hawdka ah ee dhanka xeebta kaga beegan magaalada Sao Paulo.
2.Xarunta lagu keydiyo miraha dalagyada ku beeran adduunka (Svalbard Global Seeds Vault)
Waxaa laga dhisay qalab ay adag tahay inay biyo ama waxyaaba kale ay dibadda uga yimaadaan, kadibna ay waxyeeleeyaan. Xarunta looma oggolo dadku inay booqdaan, waxaana sabata lagu sheegay sidii looga baaqsan lahaa waxyeelo soo gaadhi karta mirahaas.
Sanduuqan waxaa ku dhan dhammaan miraha dalagyada laga beerto caalamka, haddii ay ahaan lahayd qudaar, cuntada iyo dhamaan waxyabaaha laga isticmaalo adduunka.
Sanduuqana ayaa loo nashqadeeyay qaab uusan u dumin, adkeysigiisnaa uu gaarayo laba boqol oo sano, waxaan uu iska celin karaa waxwalba oo ay kamid yihiin duufaanta, qaraxyada dhul gariirka iyo wixii lamidka ah.
Miraha halkan lagu beeray ayaa ah mid laga soo uruuriyay dhammaan dalalka caalamka, waxaana dalalka halkaas wax ku keydsaday kamid ah Kuuriyada Waqooyi oo aan inta badan wax xiriir ah la lahayn caalamka intiisa kale marka laga reebo dalal dhowr ah oo Shiinaha uu kamid yahay.
3.Jasiiradda xabaasha ee dalka Talyaaniga (Poveglia Island)
Wararka qaar waxay sheegayaan in boqolkiiba konton carrada dhulka jasiiradaas ay tahay haraadiga jirka bani’aadamka, maadaama sida la sheegay meydka dadkii u dhintay cudurkaas ay ku qurmeen dhulka.
Wargeyska Daily Mail ee Britain kasoo baxa ayaa kusoo warramay in jasiiraddan muddo hadda laga joogo 70 sano ay ahayd goob guumeystihii Talyaaniga u ahayd xarun lagu hayo dadka qaba xanuunada dhimirka, waxayna taas keentay in dowladda Talyaaniga ay markii dambe xirto jasiiradda Poveglia, kana mamnuucdo in dadku ay booqdaan.
4. Qolka 39-aad ee Kuuriyada Waqooyi (Room 39)
Dalka Kuuriyada Waqooyi oo lagu tilmaamo in uu yahay dal go’doon ah, kana go’an dunida inteeda kale ayaa waxaa adag in waxbadan laga ogaado waxa ka dhex socda.
Dalkan oo sidiisaba ay adag tahay in wax laga ogaado madaxda dalkaas iyo waxyabaaha ay qabtaan ayaa qol lagu magacaabo “Room 39” waxaa la sheegay in uu yahay qol aanan cidna loo oggoleyn inay gudaha usoo gasho.
Waxbadan laga ma oga qolkan ku yaala magaalada Pyongyang, haseyeeshee dad aqoon u leh ama lasoo shaqeeyay xukuumadda dalkaas waxay sheegeen in qolkaas uu yahay goob ay si gaar ah ugu kulmaan hogaamiyaha wadankaas iyo saraakiisha milateriga.
Ri Jong oo ah sarkaal horay uga tirsanaa xukuumadda Pyongyang oo u warramay telefishenka CNN ee Mareykanka ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee lagu qabto qolka 39 oo uu muddo kasoo shaqeeyay ay tahay meel lacagta loogu geeyo saraakiisha sarsare ee dalkaas. Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in qolka 39 uu yahay mid lagu qabto hawlo sharci darro ah.
5. Aaga 51-aad ee dalka Mareykanka (Area 51Nevada)
Aaaga 51 ee ciidamada cirka ee dalka Mareykanka waa goob caan ka ah dalkaas oo loo yaqaano “Area 51. Hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa markii ugu horeysay qirtay jiritaanka goobtan sanadkii 2013-ka.
Inta badan goobtan kama soo muuqato qariiradda goobaha dalka Mareykanka, waxaana la aaminsan yahay in sidaas loo sameeyay sababo amni.
Goobtan oo qiyaastii 170 kilomitir u jirta Las Vegas ayaa sanadkii 1958 waxay hey’adda atoomikada Mareykanka ka saartay goobaha dadweynha ay tagi karaan.
Way adag tahay in la ogaado waxa ka dhex socda xaruntaas, dadkuna marnaba looma oggolo inay gudaha u galaan oo waxaa gidaarada ku dhagan koronto dili karta qofkii isku dayaa in uu gudaha u galo.
Xaruntan waxaa ay u dhaw dahay saldhig milateri ee Nevada oo ah meel lagu tijaabiyay hubka nukleyrka Mareykanka intii u dhaxeysay sanadihii 1950 ilaa iyo 1990. Waxay ku fadhidaa dhul dhan saddex milyan oo hektar.
Waxay dad badan rumeysanyihiin in dowladda Maraykanka ay xeradan ku hayso macluumaad ku saabsan Suxuunta Duusha oo la rumeysanyahay in ay kaxeeyaan nooleyaal qalaad oo cirka ka yimid. Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay dadka aaminsanyihiin in qaar ka mid ah noolayaashaas ay dowladda Maraykanka qabatay, kuna hayso xaruntaasi Area 51 ee Navada.
Annie Jacobsen oo wax ka qoray taariikhda saldhiggan ayaa BBC-da u sheegay in goobtaas ay ku rakiban yihiin qalab aad u horumarsan oo dowladda Mareykanka ay u adeegsado hawlaha sirdoonka.
6. Jasiiradda dadka go’doonsan ee Hindiya (Sentinel Island)
Jasiiradda Sentinel ee ku taala waqooyiga dalka Hindiya waa hoyga dadka asal ahaan loogu yimid dalkaas, kuwaas oo qarniya ku noolaa halkaas. Dadkan ma ahan dad doonaya inay la macaamilaan dadka kale ee adduunka, marwalbana waxaa la sheegay inay dagaal kala hortagaan qofwalba oo isku daya in uu soo gala jasiiradaas.
Sanadkii 2006, kalluumeysato isku dayay in uu gudaha u galo jasiiradaas ayaa la dilay. Sidoo kale dalxiise u dhashay Mareykanka oo isku dayay in uu tego jasiiradaas ayay dileen dadkii ku noolaa goobtaas.
Dad badan oo isku dayay inay booqdaan goobtaas ayaa waxaa ay iska hor-imaad kala kulmeen dadka Sentinel, lamana oga sida ay u nool yihiin iyo dabeecadooda.
Source: BBC







Post a Comment