Bulsho Fc Ubqs Dharkeyley Champions league Winner
Waxaa garoonka Ex-Waxool ee Degmada Dharkeenleey lagu soo gabagabeeyey tartankii Isdhexgalka dhallinyarada Degmada Dharkeenleey.Tartanka oo muddo ka soconayey Garoonka Ex-Waxool ayaa waxaa ka qeyb galay 16-kooxood, waxaana kama dambeysta Tartanka isugu yimid Kooxda Bulsho iyo Waxool.
![]() |
| Naadiga Bulsho FC Ubqs |
![]() |
| Naadiga Ex Waxool |
Ciyaarta kama dambeysta ah ee ay isaga horyimaadeen labada kooxood ee Waxool iyo Bulsho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan iyo Taageerayaal aad u fara badan, waxaana Masuuliyiintii ka soo qeyb galay ka mid ahaa Taliyaha Ex-Control Afgooye Nuur Jareer, Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda SSDC iyo guddiga Tartankaasi, Wariyeyaal ka faalooda Ciyaaraha iyo marti sharaf kale.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa waqtigii loogu tala galay waxa ay ku soo dhammaaday 0-0 oo ay labada kooxood ee Waxool iyo Bulsho Isla dhaafi waayeen waxaana loo baahday in lakala saaro maadaada kulanku uu ahaa kama dambeys.
Rigoorooyin la dhigay waxaa 4-2 ku qaaday koobka kooxda ku ciyaaraysay magaca Bulsho, sidaasna waxa ay ugu dabaal degeen guusha ay gaareen.
Munaasabadii koobka lagu guddoonsiinayey kooxda Bulsho oo lagu qabtay garoonka Ex-Waxool ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ex-Control Afgooye Nuur Jareer, waxa uuna sheegay inay hubka dhigi doonaan ayna ku soo biiri doonaan Isboortiga.
Ugu dambeytii waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyey kooxda Bulsho Koobkii ay ku guuleysteen, waxaa sidoo kale la bixiyey haddiyo qaali ah, Idaacadda GOOLFM ayaa si toos ah u tabineysay Tartankaasi.































Post a Comment